Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay digniin u diray Israel

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in deegaanmeynta ay Israel sameyneyso ay ka dhigtay hannaanka geedi socodka nabadda mid adag.

Sidoo kale, wuxuu u sheegay wargeys laga leeyahay Israel in aanu aamin saneyn in Palestinian iyo Israel-ba ay dhab ka tahay hirgelinta nabadda.

“Waynu la soconeynaa waxa dhaca. Haatan Palestiniyiinta uma eka kuwo diyaar u ah ka qeyb qaadashada geedi socodka nanadda, sidoo kale Israel iyaguna ma cada mowqifkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin iney hannaanka nabadda ka qeyb qaataan, sidaa darted waxeynu dhawreynaa bal sida ay wax u dhacaan.” ayuu yiri Trump.

Mar wax laga weydiiyey deegaameynta Israel waxa ay u dhibi karto qorshaha nabadda, wuxuu yiri: “Waan kala hadli doonnaa. Deegaameynta waa wax mar waliba aad u adag, kol walbaba waxey murjiyaan geeddi socodka nabadda Bariga Dhexe, sidaa daraadeed Israel waa iney si addag uga feejignaataa arrinta degaameynta” ayuu yiri Trump.

Dad ka badan 600 ,000 oo Yuhuuda ayaa ku nool illaa iyo 140 deegaano gaaraya, kuwaasoo la dhisay wixii ka danbeeyey 1967-dii, markii ay Israel xoog kula wareegtay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Sharciga caalamiga waxa uu u aqoonsan yahay deegaan meynta la sameeyey xiligaas wixii ka danbeeyey sharci daro, inkastoo ay Israel dood addag galiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -