Q/Midoobey oo shaacisay tirada Shaqaalaha Sanadkan looga dilay gudaha Somalia

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 8 ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay Soomaaliya sidoo kalena la dhaawacay 12 kale.

Laga soo billaabo Janaayo ilaa September 2018  shaqaalaheeda 8 a mid ah la dilay, 12 la dhaawacay, 18 la afduubtay, 13 kalena muddo kooban la xiray sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay hay’addan.

Warbixinta waxay sheegtay oo kale in 90 shil oo ka dhan ah shaqaalaha Samafalka ee Soomaaliya ay dhaceen sanadkan gudahiisa.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu sheegay in dhimashada ugu badan ay ka dhalatay weerarrada Al-shabaab ee ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen qaar ka mid ah Shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Labadii bilood ee la soo dhaafay Hay’addu waxaa ay sheegtay in 34,000 qof oo rayid ah ay ku barakaceen Gobolka Sh/hoose,kaalmadii la gaarsiin lahaana ay Al-shabaab, hor joogsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -