Dood ka dhalatay in xarumaha ganacsiga la xiro marka la gaaro xiliga salaada dalka ….

Dadweynaha Sucuudiga ayaa si weyn uga hadlay arrinta ku saabsan in khasab ay tahay in xarumaha ganacsiga dalkaas la xiro, marka la gaaro xilligga salaadda, waxaana si wayn uga doodaya dadka isticmaala baraha bulshada.

Golaha shuurada ee Sacuudiga ayaa ka dooday in waajib ay tahay in ganacsatada ay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsiga, marka la gaaro xilligga salaadda.

Qaar ka mid ah wargeysada ka soo baxa Sucuudiga ayaa ku warramay in golaha shuurada dalkaas ay u codeyn doonaan in la ansixiyo codsi ku saabsan sida ay waajib u tahay in la xiro xarumaha ganacsiga.

Waxaa codsi loo diray Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta oo la weydiistay in ay mas’uuliyiinta dalkaas kala shaqeeyso sidii meesha looga saari lahaa amarka ah in waajib ay tahay in la xiro xarumaha ganacsiga, xilliyada saaladda.

Dadka ka soo horjeedo tallaabadan ayaa ku doodayaa in ‘aanay jirin aayad Qur’aan ah ama Xadiis waajib ka dhigaya in albaabada la isugu dhufto mehradaha ganacsiga marka la gaaro xilliyada saaladaha’.

Baraha bulshada ee Sacuudiga ayaa si weyn looga hadal hayaa arrintan oo dadka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Dadka qaar waxay golaha shuurada usoo jeediyeen in ay ansixiyaan baaqa ah in la joojiyo amarka lagu xirayo ganacsiyada, xilliyada Salaadda.

Waxay qaarkood ku doodayaan in arrintan aanan khasab laga dhigin si ganacstada ay u dareemaan xoriyadda ah in xilligga ay doonaan ay xiri karaan ama ay dib u furi karaan mehradahooda ganacsi.

Dhawaan ayay aheyd markii mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ay ku adkeysteen tallaabo ay ku xaddideen sameecadaha masaajidda, taas oo ahayd in aan laga maqlin meel ka baxsan gudaha masaajidda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -