Heshiis ku kacaya 40 Milyan oo dollar oo lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Islow ayaa maanta Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliya Heer Federalka iyo Heer Dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha Gargaarka Aadaminimo ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo ay ku baxayso in ka badan 40 Milyan oo Dollar ayaa waxa bixinaya Midowga Yurub, Ingiriiska iyo dowlada Jarmalka.

Munaasabada Heshiiska lagu saxiixayay waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Masuuliyiin ka kala socday Dowlad Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Xubno ka socday Beesha Caalamka.

Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u dhis xoogan loogu sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee ciidamada dalka si loo soo celiyo awoodii ay lahaayeen xiligii beri samaadkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -