Guddiga FEIT oo fariin xasaasi ah u diray Xildhibaanada aan qaadan shahaadada

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf  ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee soo aaddan.

 

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Ra’iisul Waaaaraha Somalia Mudane Maxamed Xusseen Rooble ayaa la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Labada Aqal ee BFS

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan, guddoomiye xigeenka  guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa kor meeray  teendhada xerada Afisyooni oo la qorsheeyay in munaasabadda dhaarinta lagu qabto.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf  ayaa ugu baaqay xildhibaannada dooran ee aan wali shahaaddada qaadan inay dhaqso isu diiwaan galiyaan shahaaddadana qaataan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili aan weli xal laga gaarin doorashada afar kursi oo natiijadooda uu diiday Guddiga FEIT taasoo keentay in maamulka K/galbeed uu ka gadoodo arrintaas maadaama 3 ka mid ah xubnaha la diiday ay ka soo jeedaan beelaha maamulkaas, waxaana magaalada baydhabo ku xayiran xildhibaano ka badan 60  khilaafkaasa awgeed.

Guddoomiyaha Baarlamankii xiligiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa dhowaan sheegay inaan la dhaarin karin Xildhibaanada cusub iyadoo ay maqan yihiin Xildhibaanada laga soo doortay K/Galbeed.

- Advertisement -