Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Xog) Rooble iyo Madaxda dowlad goboleedyada oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhowaan isugu tagaya magaalada Kismaayo oo u shirkooda xiga ka furmayo sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay

Golaha oo ka kooban Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulankooda Kismaayo waxaa uu noqonayaa kii labaad ka dib shirkii Muqdisho

Waxyaabaha diirada lagu saarayo kulankan waxaa ka mid ah dardar gelinta qorshaha doorashada, qiimeynta wixii ka qabsoomay heshiiska lagu saxiixay Muqdisho dhamaadkii bishii hore iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Dhinacyadan ayaa Muqdisho ku gaaray 27kii May heshiis ku saabsanaa qabashada doorashada dalka, waxaana qodobada heshiiskaas ka fulay ka mid ah guddiyada doorashooyinka oo laga saaray qaar ka mid ah xubnihii laga cabanayey ee ka tirsanaa shaqaalaha dowladda iyo ciidamada inkastoo musharaxiinta qaarkood ay shaki badan qabaan.

 

Related posts

Hay’adda Duulista Rayidka iyo ICAO oo kawada hadlay arrimo badan oo muhiim ah

Cabdi Cade

Xukun Adag oo lagu riday Nin doonayay in uu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada NISA oo Howlgal dad lagu qab qabtay Xalay ka Fuliyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---