Xukun Adag oo lagu riday Nin doonayay in uu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka (Sawirro)

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun adag oo xabsi daa’in ah ku riday nin dhalinyaro ah oo lagu helay in uu katirsan yahay Al Shabaab uuna doonayay in uu isku qarxiyo Tiyaatarka Qaranka.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Isgooska Ex-Koontarool Afgooye ku qabtay Xasan Cabdullaahi Aadan oo watay boorso waxyaabaha qarxa ka buuxeen uu doonayay in uu ku weeraro tayaatarka Qaranka sida Maxkamada ciidamada sheegtay.

Ninkan ciidamada qabteen ayaa baaritaan dheer kadib ku qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay kooxda Al shabaab, isagoona xusay in Al Shabaab kaga soo biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018 ugu dambeyna lagu qanciyay in uu is qarxiyo.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ninkan xukunka xabsi daa’inka ah Maxkamada ciidamamada ku riday  ayaa haysta Fursad kale uu uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -