Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan sheegay inuu dowlada Eritrea kala xiriiray arrinta dhalinyarada Maqan

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, uuna kala hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalkaas oo xaaladooda muran badan uu ka taagan yahay.

Xildhibaan Zakariye ayaa intaa ku daray in dhalinyarada maqan ay uga jiraan kuwo ehel la ah iyo kuwo isaga la shaqeyn jiray, ayna aad u dhibeyso wararka aan wanaagsaneyn ee ka soo baxaya xaaladooda.

“Waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax ka tirsan dalkaas hadde kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna ii sheegeen in sidii Coronavirus uga dilaacay dunida aysan diyaarad tegin Eritrea” ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Waxaa uu shaki ka muujiyey wararka sheegaua in ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea laga qeyb geliyey dagaalka ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo ciidamada  Eritrea ku lahaayeen.

“Anigu hal arrin baan ogahay, dadka reer Eritrea dhamaantood waa tababaran yihiin oo waa dad u soo dagaalamay xorriyadooda, marka hadii ay ciidan ajnabi ah oo aan ciidankooda aheyn ay geeyaan goob dagaal, waxay u arkaan sumcad xumo iney ku tahay dalkooda, waxaa hubaal ah in ciidankaas ay jebayaan oo laga guuleysanayo, balse arrintaas waan hubsaneynaa run iyo been waxa ka jira,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Zakariye ayaa sheegay in haddii ay run noqoto ciidamo  Soomaali ah iney ka dagaalameen Tigray  ay noqon doonto dembi culus oo ay ku kacday DF, ayna madaxda ku qaranka ee arrintaas ka dambeeyey noqon doonaan dembiilayaal qarankooda qiyaamay.

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Kheyre “Soomaalida dhibaataa haysato runtaa la isu sheegin, laakiin anaa hada runta idiin sheegaya,

Cabdi Cade
Taboola Ads ---