Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa maanta kulan la qaatay wakiilo katirsan beesha Caalamka, waxa ayna kawada hadleen xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Kulanka ayaa inta uu socday Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wakiilada Beesha caalamka waxa ay kawada hadleen khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashada lagu muran sanyahay.

‘Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.” ayuu yiri Rooble.

Wakiilada beesha caalamka ayaa wada dadaalo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashada , waxa ayna siyaabo kala duwan ula kulmeen madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada qaar ee khilaafka kala dhaxeeyo dowlada.

Related posts

Guusha Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Maxay Uga Dhigan Tahay Madaxweyne Farmaajo?

Cabdi Cade

Daawo: Maxay tahay Qisada mudan in lagu cibro qaato ee qabsatay Nebi Aadam CS?

Caydiid Ali

Muxuu Tedros Adhanom kaga jawaabay eedeyntii kaga timid dowlada Itoobiya?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---