Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga Bini,aadanimada iyo Dib u Heshiisiinta.

Madaxweynaha oo kulankaan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad ayaa uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Dowladda Hirshabeelle, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabab ee ka socda Magaalooyinka Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada Amisom.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Somaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika balaarinta ay ku sameeyeen Airport-ka Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Dib u Heshiisiinta iyagoo cadeeyay in Dowladda Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.

Related posts

Abuu Mansuur oo laga saaray Liiska Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed kadib markii ..

admin

Cali Guudlaawe oo booqday Jiidaha dagaalka Sh/dhexe

Caydiid Ali

Maxkamad is’hortaagtay go’aankii Kenya ku xireysay xeryaha qaxootiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---