Allbanaadir.com
NEWS

Rooble iyo labo kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada oo la kulmay Yamamoto (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay wehliyaan Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabe ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulankan labada dhinac dhax maray ayaa waxa looga wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka iyo geedi socodka arimaha doorashooyinka la filayo in dalka ka dhacaan.

Waxaa sidoo kale kulanka Rooble iyo Madaxda dowalad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug la qaateen safiirka Mareykanka looga wada hadlay la dagaallanka kooxda  Al shabaab iyo arimaha bani’aadminimada.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah wakiilada beesha Caalamka kuwaa uu kala hadlayo taageerada dhaqaale ee doorashada iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dadaalada uu wado .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abshir Axmed Macalin oo isku soo dhiibay Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay khasaaraha maanta gaaray Al Shabaab (Akhriso)

Caydiid Ali

Heshiis ku kacaya 40 Milyan oo dollar oo lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---