Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Xoogan oo dhaxmaray Ciidamada Dowlada iyo kuwa Al Shabaab

Wararka ka imaanaya deegaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa kooxda Al Shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii saakay dagaalyahanada Al Shabaab weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku lahaayeen deegaanka Daynuunay .

Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunay kadib weerar dhoorb jiho ah ay ku qaadeen, hasa ahaatee gurmad ay heleen kadib ayey ciidanka dowlada dib ugu rogaal celiyeen deegaanka laga qabsaday.

Dagaal xoogan oo dhacay kadib ayaa wararku sheegayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed dib ugu laabteen  deegaanka Daynuunay , waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay magaalada Baydhabo ayaa weerar kala kulmay dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana weerarka gaadmada ah ciidamada kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaaday  Daynuunay oo saldhig  ku leeyihiin ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxa uuna deegaankan uu noqday meel marar badan ku dagaalameen ciidanka dowlada iyo kuwa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -