Arday Iskuul oo Afduub u geesatay Maamulahooda iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Arday wax ka dhigata Iskuul kuyaala dalka Shiinaha ayaa dhigay banaan bax cabasho ah, waxa ayna ardaydan intii ay wadeen banaan baxa afduub dad badan layaabeen  u geesteen maamulihii iskuulkooda .

Warbaahinta Shiinaha ayaa ku warantay in ardaydan afduubka u geestay maamulahooda ay ka wel welsanaayeen in shahaadada iskuulkooda hoos u dhaco kadib markii la sheegay in iskuulkooda ku biirayo xarun lagu barto farsamada gacanta oon tayo laheyn..

Ciidamada booliiska ayaa kusoo baxay banaan baxa ardayda dhigayeen, waxa ayna booliiska kala dirida ardayda iyo soo deynta maamulaha u adeegsadeen budad iyo sidoo kale sunta dadka ilmada ka keenta.

Qaar kamid ah ardayda dhigay banaan baxa ayaa la sheegay in dhaawacyo kasoo gaareen booliiska, waxaana muuqaalo la baahiyay laga arkayay ardayda qaarkood uu dhiig ka socdo kuwaa oo la geeyay xarumo caafimaad.

Banaan baxan iyo afduubka ay ardayda u geesteen maamulahooda ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalka Shiinaha, warbaahinta dalkaasi ayaana dhacdadan siyaabo kala duwan uga hadlay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -