Erdogan oo si kulul u weeraray dhaxal-sugaha Boqortrooyada Sacuudiga

Hogaamiyaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ka dalbaday Saudia Arabia inay u soo gacan geliso dadka ku sugan dalkaasi ee looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khashoqgi.

Isagoo ka hadlayay shirka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee ka socday Argentina ayuu si wayn ugu gacan seyray jawaabta uu Sacuudiga ka bixiyay dilka Jamal Khashuqgi.

Wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Sucuudiga inay hayaan been iyo hadallo is-burinayo isla markaasna ay baddalayaan sida ay wax u dhaceen ayna diideen inay macluumaad la wadagaan baarayaasha Turkiga.

Wuxuu sheegay in dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan uu kulanka madaxda G20 ka sheegay ‘sharraxaad aanan la rumeysan karin oo ku aadan dilka Weriyaha

Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dooday in boqortooyada aanan eedeymo loo jeedin karin tan iyo inta laga caddeynayo dambiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa 11 qof u xirtay dilka balse ma jiraan go’aan ay dadkan ugu dhiibeyso Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -