Dowladaha Soomaaliya iyo imaaraadka oo kawada hadlay arin Muhiim ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthma.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Danjiraha Imaraaadka ayey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Imaaraadku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle.

Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthma ayaa sheegay in Imaaraadka gacan ka geesanayaan gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ay saameynta ku yeelatay fatahaahada Wabiga Shabelle.

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xiriirkoodu xumaaday sanado kahor , mana jirin mudooyinkan wax wadahadal ah oo labada dal dhax maray, Imaaraadka ayaana joojiyay taageeradii uu horey u siin jiray Soomaaliya oo dhinacyo kala duwan laaheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -