Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyey Taliyihii Ururka 6aad ee Kumandoska Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha ciidanka dhulka Gen.Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo maanta magaalada Muqdisho loogu Sameeyay ILAAHAY ha u naxariistee Taliyihii Ururka 6aad ee Kumaandoska Gorgor Gaashaanle Maxamed Cabdiwaaxid Faarax iyo Askar kale oo ku Shahiiday Dagaal ciidamada DF iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe .

Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen.Biixi ayaa alle ugu baryay in janadii Fardowso ka waraabiyo isagoo sheegay inay geeriyoodeen iyagoo Difaacaya qarankooda .

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in wado sax ah ay ku bexeen shuhadana ay yihiin waxaana uu xusay in Qaranka Soomaaliyeed marna uusan ilaabi doonin  Daljirayaasha  geeriyooday iyagoo ku jira Difaacaya Qarankooda.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka difaaca dalka ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah wax uu ugu yeeray argagixisadda Khawaarijta la labo jibaari doono inta cadawga laga xoreynayo dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -