Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Wiil dhalinyaro ah oo isku daldalay Magaalada Burco iyo baaritaano socda

Magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa waxaa lagu arkay Maydka Wiil dhalinyaro ah oo loo maleynayo inuu is daldalay.

Wiilka oo aan magaciisa la shaacin ayaa la arkay isagoo ka laad-laada xarig ku xirna geed ku yaalla xaafad ka tirsan magaalada Burco xalay fiidnimadii.

Booliska Somaliland ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan sababta keentay in wiilkan dhalinyaro ah uu isku daldalo bartamaha magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Booliska ayaa la filayaa  in baaritanada socda ka dib ay war ka soo saaraan xaalada wiilkan, waxaana dhacdadan oo ku cusub magaalada Burco si weyn u hadal haya shacabka magaaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Xarunta Degmada Howl Wadaag (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Nin hubeysan oo weerar ku qaaday Masjidka Daarul Xikma iyo baaris …

Cabdi Cade

Jen. Bashiir Cabdi Max’ed oo la wareegay xilkii dhowaan loo magacaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---