Allbanaadir.com
NEWS

Jen. Bashiir Cabdi Max’ed oo la wareegay xilkii dhowaan loo magacaabay (Daawo Sawirro)

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa manta xilka la wareegay ka dib munaasbada ka dhacday magaalada Muqdisho, taasoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka amniga, taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo xubno kale

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula dardaarmay taliyaha Booliska iyo uu si hufan uu u guto waajibaadkiisa shaqo.

Taliyeyaal cusub ayaa loo magacaabay ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Asluubta ka dib kulan ay todobaadkii hore iskugu yimaadeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa horay uga mid ahaa Taliye ku-xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuuna balan-qaaday inuu dardar gelin doono howlaha booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Al-Shabaab oo lagala wareegay degaano cusub & Saraakiil War ka soo saaray

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka malaga yaabaa in Ciidamo lamid ah kuwii ay geesay Galmudug ay u dirto….

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Casho Sharaf heer sare ah oo Muqdisho loogu sameeyay Ciyaartoydii xulka 17-jirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---