Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii ka dhacay Xarunta Degmada Howl Wadaag (Daawo Sawirada)

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay Albaabka xarunta Degmada Howl Wadaag, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan xogta ku heleyno qaraxa gaari ayaa ka dhax dhacay albaabka laga galo xarunta Degmada, waxaana xiligaasi xarunta ku sugnaa dadweyne kala duwan oo xarunta u yimid in loo adeego, lamana oga ilaa hada sida gaarigan u galay gudaha xarunta.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogeyn tirada khasaaraha ee ka dhashay qaraxan, waxaana xarunta qaraxa lala eegtay ku agyaala guryo dad shacab ah degna yihiin iyo sidoo kale dugsi quraan iyo masjid.

Dad badan ay ku jiraan caruur dugsi quraan ayaa dhimasho iyo dhaawac qaraxa kasoo gaaray, waxaana inta badan bur burtay xarunta degmada Howl Wadaag , waxaa sidoo kale qaraxa bur buriyay guryo ka agdhaw xarunta Degmada.

Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kala duwan ayaa soo gaaray xarunta degmada uu qaraxu ka dhacay, waxaana la filayaa in Warbaahinta loo soo bandhigo khasaaraha uu reebay qaraxan xoogan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -