Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo la wareegaysa xil culus oo hoos taga Qaramada Midoobay

Somalia ayaa la wareegtay guddoonka meertada ah ee Xafiiska Kor-joogtada Ergada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Xafiiskan ayey shaqadiisu tahay inuu si guud uga shaqeeyo aragtida iyo danaha ergada waddamada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle oo xilkan ku metelaya Somalia ayaa xarunta Qaramada Midoobay ka jeedinaya doona hadalka ergada dalalka Midowga Afrika.

Ambassador Baale ayaa xilka kala wareegaya Amb. Fatima Kyari Mohammed oo ahayd korjoogtada joogtada ah Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Isku dubaridka xiriirada heer safiirnimo ee Ergada Joogtada ah ee Afrika ee Qaramada Midoobay, waa shaqada uu qabto Ergada Joogtada ah ee Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wuxuu Midowga Afrika ku metela Qaramada Midoobay iyo sidoo kale horumarinta iyo joogteynta xiriir wax ku ool ah oo u dhexeeya AU.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tirada dadka Soomaaliyeed ee sanadkan soo xajinaya oo la kordhiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Seydheelow

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay ninkii toogashada ka geestay magaalada Brussels

Cabdi Cade
Taboola Ads ---