Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab & ilaaladiisa oo lagu dilay gobolka Sh/hoose

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibadood Maraykanka howlgal ay ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelada Hoose ay ku dileen sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka Xooga Dalka ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in la dilay sarkaalkan oo ahaa bartilmaameedka howlgalkaasi.

Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan, halka magaca Afgarashada Alshabaabna uu ahaa Yacquub, wuxuuna ahaa madaxa qaraxyada Al-Shabaab u qaabilsanaa Shabeelada Hoose sida ay ciidamadu sheegayaan.

Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay inay isku uruursanayeen kooxo ka tirsan Al-shabaab oo qorsheynayay inay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeeladda Hoose sida warka loo dhigay.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab oo dhowaan la wareegay degmada Kuntuwaarey ayaa hore u sheegay in saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ay halkaas ku dileen, ayna sidoo kale sii daayeen dad shacab ah oo maxaabiis ahaan u xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -