Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Baydhabo (Sawirro)

Qarax geystay khasaare xoogan ayaa goor dhow oo duhurnimadii ah ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Qaadka ee magaalada Baydhabo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino la dhigay bartamaha Suuqa oo xiligaas ay joogeen dad fara badan oo isugu jiray ganacsatada Qaadka iyo dadweyne kale.

Ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen 7 kalena ku dhaawacmeen qaraxaas oo daryankiisa si xoogan looga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baydhabo.

Ma cadda illaa hadda cida qaraxan lala beegsanayey, iyadoo dadka dhaawacmay loola cararay isbitaalka magaalada Baydhabo.

Dhowr habeen ka hor ayey aheyd markii isla suuqa Qaadka lagu iibiyo ee magaalada Baydhabo lagu tuuray bam gacmeed lala beegsanayey askar suuqa qaad ka iibsanaysay illaa shan qof ayaana halkaas ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf adag oo soo kala dhex galay Maamulka Jubbaland iyo Shirkadaha dayuuradaha

Caydiid Ali

Qarax gaari lagu xiray oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Laftagareen: “Haddii Midnimo la diido waa la kala tagayaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---