Qaraxyo Ismiidaamin ah oo lagu weeraray Guryo Maxaas ka degnaayeen Masuuliyiin (Sawirro)

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo qarax oo ismiidaamin ah saakay salaadii subax lagu weeraray  guryo degmada Maxaas ka degnaayeen ciidanka beesha Murusade ee duullaanka ku ahaa Galgaduud.

Qaraxyadan oo  loo adeegsaday labo baabuur oo waxyaabaha qarxa lagu soo raray ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay saraakiisha iyo masuuliyiinta ciidanka beesha Murusade hoggaamineysay ka degnaayeen degmada Maxaas.

Mid kamid ah qaraxyada ayaa ka dhacay guri uu Degnaa Xildhibaan Jacfar halka midka kalana uu ka dhacay guri uu degnaa guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

In ka badan 15-qof oo u badan askar ayaa ku dhimatay qaraxyadan ismiidaaminta ah ee saakay lagu qaaday degmada Maxaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan ay ku jiraan saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Sida aan wararka ku helnay guryaha qaraxyada lagu weeraray waxaa degnaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo hoggaaminayaya duullaanka la doonayay in lagu xureeyo degmooyinka  Ceelbuur, Galhareeri  iyo deegaano kale oo katirsan Galgaduud.

Xildhibaan Jacfar ayaan ku sugneen xilliga weerarku dhacayay degmada Maxaas, waxaana la sheegay in Jacfar hadda magaalada Muqdisho ku sugan yahay , mana jiraan xildhibaano heer federaal ah oo halkaasi joogay xilliga weerarku ka dhacayay.

Waxii warar ee kusoo kordha qaraxyadan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -