Midowga Yurub oo fariin u diray Madaxda Soomaalida ka dib heshiiskii doorashada

Midowga Yurub ayaa war kasoo saaray heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya, kaasoo shalay RW Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyadu ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay tallaabo hore loo qaaday guushii uu ku soo dhammaaday wadahadaladii u dhaxeeyay madaxda DF iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Wuxuu intaas ku daray muhiimada ay leedahay inay si nabad ah ku qabsoomaan doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii Sebtember 17, loona baahan ahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu dhaqaaqo fulinta Doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada uu wado Ra’iisul Wasaare Rooble ee wadatashiyada wax ku oolka ah ee u dhexeeya hoggaanka federaalka iyo maamul goboleedyada. Doorashooyinka waa in lagu qabto dib u dhac la’aan” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Midowga Yurub.

Midowga Yurub ayaa dalbaday inay dhammaan dhinacyadu ka fogaadaan rabshadaha iyo tallaabooyinka wax u dhimaya geeddi-socodka nabada iyo horumarka

“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Midowga Yurub Josep Borrell.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -