Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Saxiixay Labo Siyaasadood (Daawo Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya  Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa  saxiixay laba siyaasadood oo kala ah Siyaasadda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Siyaasadda tababarada ee Wasaaradda Gaashaandhigga, kuwaas oo muhiim u ah howl maalmeedka baaxadda leh ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay baahida ay Wasaaradda u qabto dhaqan-gal ka iyo dardargelinta labada Siyaasadood ee uu maanta qalinka ku duugay.

Sidoo kale Siyaasada Tababaradda ayuu ku  tilmaamay in udub -dhexaad u noqon doonto hagidda tababaradda iyo jiheynta sare-u-qaadidda aqoonta howlwadeennada Wasaaradda iyo Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayen Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda ayuu Wasiirka kula dardaarmay fulinta siyaasadahan iyo  dhaqan galkooda, si loogu adeego shacabka si ay ku dheehantahay  Daah-furnaan iyo isla xisaabtan dhab ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -