Wariye la afduubtay oo Sabab u noqday in diyaarado badan joojiyaan Duulimaadyo Caalami ah

Qaar kamid ah shirkadaha waa weyn ee diyaaradaha Yurub ayaa joojiyay in ay duulimaad ku tagaan dalka Belarus sidoo kale isticmaalaan hawada dalkaasi, kadib markii dhawaan diyaarad rakaab si qasab ah loogu dejiyay garoon kuyaala dalkaasi.

Diyaarad ay laheyd shirkada Ryanai oo mareysay hawada dalka Belarus ayaa lagu qasbay in ay weeciso duulimaadkeeda kana degto caasimada Belarus, waxaana diyaarada markii la dejiyay si xoog ah ciidamada amaanka kula degeen Wariye mucaarad ah.

Shirkada Air France iyo shirkado kale oo Yurub laga leeyahay ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Belarus iyo sidoo kale in ay isticmaalaan hawada dalkaasi.

Afduubka dowlada Belarus kula kacday diyaarada hawadeeda mareysay ayaa sabab looga dhigay in diyaaradaasi la socday Roman Protasevich oo mucaarad ku ahaa dowlada Belarus sidoo kale horey loogu daray liiska argagaxisada.

Midowga Yueub iyo qaar kamid ah Wadamada caalamka ayaa talaabada ay ku kacday dowlada Belarus si kulul u cambaareeyay, waxa ayna ku eedeeyeen dowladaasi in ay afduub kula kacday diyaarad rakaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -