Allbanaadir.com
NEWS

Dahab Qaali ah iyo macdan kale oo kusoo daatay garoon Diyaaradeed iyo baaritaano socda

Garoon diyaaradeed oo kuyaalla dalka Ruushka ayaa waxaa kusoo daatay dahab qaali ah iyo macdan kale, kaddib markii diyaarad ay ka uushay garoonkaasi, waxaana hadda socda baaritaano ku aadan dahabka la helay.

Dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha garoon diyaaradeed oo ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka ayaa mar qura waxaa kusoo daatay dahab tiro badan iyo sidoo kale macdan kale oo qaali ah sida ay saraakiisha garoonka sheegeen.

Arrintan ayaa dhacday kaddib markii uu jabay albaabka diyaarad ay saarnaayeen dahab iyo qalimaan oo ka duushay garoonka diyaaradaha ee ee magaalada Yakutsk, iyada oo ku sii jeeday gobolka Siberia.

Saraakiisha garoonka Yakutsk ayaa sheegay in 200 oo cad oo midkiiba 20-kg yahay  ku daatay waddo ay diyaaraduhu ka duulaan, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo cidda iska leh dahabka iyo macdanta kale ee daataya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashada Jubaland oo qaaday talaabadii u horeysay

Caydiid Ali

FBI oo baaritaan xasaasi ah ka bilowday hoyga Madaxweyne Biden (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun adag oo lagu riday Madaxweyne dilay Madaxweynihii talada uga horeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---