Dayax Gacmeed Itoobiya hawada sare u diri laheyd oo dib u dhacay iyo Sababta keentay

Waxaa dib u dhac ku yimid Dayax gacmeedkii ugu horeeyay oo hawada sare u diri laheyd dowlada Itoobiya, kadib markii saameyn badan ku yeeshay goobtii laga diri lahaa roobab mahiigaan ah.

Machadka Hawada sare, Saayniska iyo Teknooloojiyadd Itoobiya ayaa shaacisay in uu dib u dhac ku yimid dayax gacmeedkii la filayay in hawada sare loo diro dabayaaqada bishan September.

Dib u dhaca ku yimid dirista dayax gacmeedkan dowlada Itoobiya leedahay ayaa sabab looga dhigay roobab ma hiigaan ah oo ka da’aya xaruntii laga tijaabin lahaa oo kutaala dalka Shiinaha.

Agaasimaha guud ee machadkaasi Dr Solomon Balay ayaa sheegay Dayax-gacmeedka Itoobiya ay hawada sare u direyso noociisu inuu yahay nooca dhulka meera ee loo yaqaanno (Earth Observation Satellite).

“Dhismaha iyo sameynta dayax gacmeedka waa la dhammeystiray balse inta aan tijaabada ugu horreysa lagu sameyn maadaama aan dayaxgacmeedka hawada sare loo diri karin ay tijaabada waxaa ku timid dib u dhac, waxaana la rajeeynayaa in Dayax-gacmeedkaasi hawada sare loo diro bisha December ee sanadkan 2019”. ayuu yiri Dr Solomon Balay

Dayax-gacmeedkan ugu horreeya ee ay Itoobiya hawada sare u direyso oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka, waxa uuna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -