Milatariga dowladaha India iyo Pakistan, ayaa isbuucyo kahor waxaa dhax maray iska horimaadyo, waxa ayna labada dalka qarka u fuuleen in uu toos uga dhax qarxo dagaal dhiig badan uu ku daato, la iskuna adeegsado hubka culus.
Ciidamada cirka ee dowladda Pakistan, ayaana ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarado ay lahayaeen ciidamada cirka ee India, waxaana diyaaradahaasi ku jiray kuwa casri ah oo lacago aad u badan kusoo iibsatay dowladda India,
Dowladda India, ayaana qarisay guuldarooyinkii kasoo gaaray iska horimaadkii ay la galeen milatariga Pakistan, balse maalmo badan kaddib India, waxa ay hadda qiratay in guuldarooyin kala kulmeen iska horuimaadkii ay la galeen Pakistan.
Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Indiya, Jen. Anil Chauhan oo ku sugan Singapore ayaa xaqiijiyay inay Pakistan ka soo riday diyaaraddo nuuca dagaalka ah ay ku jiraan kuwa casri ah, balse ma bixin sharraxaad dheerad ah taliyaha,
Jen. Anil Chauhan auaa ku andacooday inay xalliyeen arrimo farsamo oo u surageliyay Pakistan inay soo rido diyaaradaha dagaalka Indiya, waxa uuna taliyaha sheegay in hadda la xalliyay caqabadihii jiray ee fashilka u keenay ciidankooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.