Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay duqeyn xooggan ku miray habqankii mileeshiyaadka Daacish ee shalay ka cararay togga Miraale kaddib markii ciidamada Puntland hawlgal cir iyo dhul ah kula wareegeen toggaasi.
Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada Puntland ee ku sugan furimaha hore ayaa soo sheegaya in ay xalay maqleen jug culus oo ka dhacday jiho Koonfurta ka xigta togga Miraale, halkaasi oo ay u baxsadeen firxadkii Daacish ee shalay laga saaray Taliskii iyo ceelashii togga Miraale.
Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay duqeynta, waxaana uu sheegay in saaxiibada dowladda Puntland ee Mareykanku ay fuliyeen duqeyntaasi, oo ay ku beegsadeen firxadkii argagixisada ee laga eryay Miraale, xilli ay cararayeen meel koonfurta ka xigta togga Miraale.
“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miiraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaa la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miiraale” ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.
Diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa maamulka Puntland ka taageera dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxa ayna Mareykanka marar badan duqeymo ka geesteen buuraha Calmiskaad.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.