Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Abukaate caan ah oo goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho abukaate ama qareen  caan ah oo ka mid ahaa sharci yaqaanada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dalka

Abukaate Maxamed Warsame ayaa waxaa rasaas ku furay dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Marxuumka ayaa markiiba u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilay ay goobta ka baxsadeen sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Warsame ayaa ka soo muuqan jiray Maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaana inta badan loo qaban jiray inuu difaaco dacwadaha loo haysto dadka ku eedeeysan Al-Shabaabnimada.

Related posts

(Sawirro) Qoor-qoor oo ku laabtay Dhuusamareeb & xubno uu ka mid ahaa Jen. Mascuud oo..

Caydiid Ali

Axmed Jumca Alromaith oo lagu soo dhaweeyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Diiwaangelinta Codbixinta dowladaha Hoose ee Puntland oo la Daahfuray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---