Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta yeelanaya shir deg deg ah , waxaana xalay Wasiiradda loo diray fariin qoraaleed loogu sheegayay in ay kasoo qeyb galaan shir deg deg ah oo golaha isugu imaanayaan.
Sida aan xogta ku heleyno golaha Wasiiradda ayaa galaya fasaxa Xajka iyo munaasabada ciidul Adxaa, waxaana shirka Golaha Wasiiradda oo dhici jiray maalinta Khamiista loo soo hormaray fasaxa ay Wasiiradda galayaan owgeed.
Ilo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya , ayaa laga soo xigtay in maanta u badan tahay in la magacaabo taliyaha ciidanka Hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, oo loo magacaabi doono Mahad Maxamed Salaad.
Magacaabista Mahad Salaad oo horey usoo noqday Agaasimihii hore ee NISA, ayaa mar kale si weyn loo hadal hayaa in maanta dhacdo, waxaana la sheegay in Agaasimaha hadda xilka haya Sanbaloolshe lagu wargaliyay in xilka laga qaadayo.
Isbeddelkan mar kale lagu sameenayo taliska ciidanka NISA, ayaa kusoo aadaya xilli muddo xileedka dowladda hadda gebogebo yahay, waxa ayna dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh isku dayaarineysaa in ay kahor tagto kacdoono laga yaabo in dowladda kala kulanto siyaasiyiinta mucaaradka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.