James Swan: “Waa muhiim in shirka Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo”

Wakiilka QM ee Somalia James Swan ayaa ka hadlay fursadda hortaalla hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Muqdisho.

James Swan ayaa hadalkan ka jeediyey fadhi gaar ah oo golaha amaanka ee QM ka yeeshay arrimaha Somalia.

“Waxaan amaanayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyed ee doonayay tanaasulka iyo is afgaradka inta lagu gudajiro xilligan, taasoo ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dareenka tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahan yahay si horay loogu sii socdo” ayuu yiri James Swan.

Waxaa uu ugu baaqay madaxda Soomaalida iney ka shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashada.

“Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho uu ka soo baxo heshiis la fulin karo si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah.” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -