Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Labo madfac oo ah nooca Mortar-ka ee hoobiyaha Soomaalidu u taqaano ayaa caawa ku habsaday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Iskuul u dhow isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho ayaa mka mid ah goobaha uu ku dhacay mid ka mid ah madaafiicdan.

Kan labaad ayaa ku dhacay dugsi Qur’aan ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

hoobiyeyaasha caawa ku soo dhacay Muqdisho, weli si rasmi ah looma khasaaraha ay geysteen.

Al-Shabaab ayaa ku garaacda hoobiyeyaal aan mararka qaarkood laheyn bartilmaameed la garan karo,  waxayna dhiibaato si joogto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii mid ka mid ah madaafiic lala beegsaday xaafado ka tirsan Muqdisho uu ku habsaday guri ay ka jirtay tacsi, halkaasoo uu ka geystay dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -