Sacuudiga oo shaaciyey tirada dadka sanadkan loo ogol yahay Xajka & shuruudo

Sacuudiga ayaa soo bandhigay tirada dadka sanadkan loo ogol yahay iney tagaan Xajka iyo shuruudaha looga baahan yahay, iyadoo weli caalamka uu faro kulul ku hayo cudurka COVID-19.

Wasiirka Arimaha Diinta Boqortooyada Sacuudiga Dr. Noor-ul-Haq Qadri ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ogolaatay inay soo gutaan waajibaadka Xajka sanadkan 60,000 oo qof, oo ka kala imaanaya daafaha dunida.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in 15,000 ka mid ah xujeyda ay noqon doonaan kuwa maxalli ah halka 45,000 kale ee ay ka kala imaan doona dalalka adduunka.

Dr. Noor-ul-Haq Qadri ayaa intaa ku daray in xujeyda jira da’da 18 ilaa 60 sano loo ogolaan doono gudashada Xajka sanadkan isla markaana laga rabo inay soo bandhigaan warbixinta xaaladdooda caafimaad.

“Shahaadada tallaalka Corona ee saxda iyo baaritaanka PCR waxay noqon doonaan qasab iney maraan xujaajta oo dhan” ayuu yiri Dr. Noor-ul-Haq Qadri.

Sacuudiga ayaa sanadkii hore kaliya u ogolaaday 1,000 xujey ah oo ka yimid dalalka xuduuda la leh inay xajka gutaan taasoo aad uga yar tirada muslimiinta sanad walba soo xajin jiray oo gaaraya 2.5 milyan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -