(Akhriso) Taliye Xijaar oo xilka ka qaaday taliyeyaal, kuwo cusubna Magacaabay

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa isbedel ku sameeyay taliyeyaasha degmooyinka qaarkood iyo kan Gobolka Banaadir.

Waxaa Taliye ku xigeenka Booliska G/Banaadir loo magacaabay Gaashaanle Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo lagu bedeley Col. Axmed Cabdi oo ku dhintay qarixii ismiidaaminta ee ka dhacay saldhiga Booliska degmada Waaberi.

Xil ka qaadista iyo isku shaandheynta maanta soo baxday ayaa saameyn ku yeelatay ilaa 8 saldhig Boolis.

Yaxye Maxamed Ibrahim (Yaxye Casuuro) ayaa sidoo kale loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Dayniile, halka Farxaan Maxamed loo magacabay taliyaha Booliska degmada Boondheere.

Taliyaha saldhiga Hodan ayaa sidoo kale loo magacaabay Zakariye Cabdullaahi, halka Abuukar Sheekh Aadan laga dhigay Taliye Ku-xigeenka saldhiga Kaxda.

Taliyaha Booliska degmada Dharkeynley ayaa sidoo kale loo magacaabay Gaashaanle Macalin Aadan, Taliyeyaasha kale ee la magacaabay ka mida: Axmed Bootaan oo loo magacaabay Saldhiga Wadajir, Ismaaciil Siciid Jaamac oo loo magacaabay Saldhiga Waaberi iyo Xasan Cabdulle Bashiir oo a geeyey Saldhiga Booliska C/casiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -