Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo ka socda degmada Wanle-weyn iyo Xaalada oo kacsan

Dagaal xoogan ayaa waxaa uu ka socdaa degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeelada hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan Guddoomiyaha degmada Wanla-weyn Maxamed Siidow iyo Guddoomiyaha arimaha bulshada degmadaasi Axmed kheyr.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii is qabqabsi dhinaca maamulka ah uu soo kala dhex galay labada masuul.

Xaalada degmada Wanla-weyn ayaa kacsan, waxaana haatan la maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo qaraxyo ay is weydaarsanayaan dhinacyada dagaalamaya, Mana jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

LA SOCO WIXII KU SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Saciid Ciise: “Somalia waxay ka adkaaneysaa Itoobiya iyadoon dagaal la gelin”

Caydiid Ali

(Sawirro) Milateriga Israel oo Daanta galbeed ku dilay caruur Falastiiniyiin ah

Caydiid Ali

RW Khayre oo amray dardar-gelinta nidaamka casriga ah ee diiwaan gelinta Ciidanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---