Taliska ciidamada Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey howlgal ka dhacay degaanka Mubaarak

Ciidamada Mareykanka ee jooga Somalia ayaa sheegay in iyagoo taageero siinaya kuwa dowlada ay 11-kii bishan duqeymo cirka ah ka fuliyay degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose oo qiyaastii 37 mile dhanka galbeed kaga began magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ayaa lagu sheegay in Howlgalkan ayaa ahaa mid ka dhan ah Alshabaab.

Duqeymahan ayay ciidamada isbahaysanaya fuliyeen, kaddib markii weerar lagu soo qaaday, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika.

Taliska ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen labo qof, halka uu mid kalena ku dhaawacmay. Ma jiraan wax shacab ah oo khasaaro uu ka soo gaaray weerarka sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -