Cali Guudlaawe oo Muqdisho soo gaaray & Wararkii ugu dambeeyey Shirka wadatashiga

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa goor dhow kasoo degay Garoonka dayuuradaha Aadan Cadde.

Xildhibnaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, Wasiiro, siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa Cali Guudlaawe Garoonka ku soo dhaweeyay, waxaana imaanshihiisa uu soo dhameystirayaa madaxda shanta dowlad goboleed oo haatan ku wada sugan Muqdisho.

Afhayeenka xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in goor dhow uu furmayo Shirkii Wadatashiga Qaran ee arimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS.

Waxaa uu intaas ku daray in shirku ka dhacayo teendhadii Afisiyooni, isagoo xusay in dhamaam madaxda ka qeyb galaysa shirka ay haatan ku sugan yihiin Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonnaa qodobo ay ka mid yihiin fulinta heshiiskii 17-ka Septembar iyo qodobadii ay saareen guddigii farsamada ee ku shiray Baydhabo 16-kii Febraayo, kuwaasoo lagu xalinayey tabashooyinka ay qabeen dowlad goboleedyada qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -