DEG DEG: Shirkii Wadatashiga doorashooyinka oo goor dhow ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa goor dhow ka furmay Magaalada Muqdisho Shirkii wadatashiga arrimaha doorashooyinka Qaran oo ay soo qabanqaabisay Xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya madaxda DF iyo iyo kuwa shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah iyo gobolka banaadir, iyadoo uu shir guddoominayo RW Somalia Max’ed Xuseen Rooble oo shirkan horey u iclaamiyey.

Dhamaan hogaamiyeyaasha ayaa ku wada sugan madasha shirka.

Shirkan oo ka furmay Teendhada Afisiyooni ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin fulinta heshiiskii 17-ka Septembar iyo qodobadii ay saareen guddigii farsamada ee ku shiray Baydhabo 15-kii Febraayo, kuwaasoo lagu xalinayey tabashooyinka ay qabeen dowlad goboleedyada qaar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dabayaaqadii bishii hore in laga laabtay muddo kororsigii labada sano ahaa ee uu ansixiyey Baarlamanka Somalia ee sababay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho, isagoo intaas ku daray in loo laabanayo doorasho dadban, wuxuuna xusay in RW Rooble uu ku wareejiyey maamulka hanaanka doorashada dalka.

Shirkan ayaa la filayaa iney ka soo baxaan go’aano horseeda qabashada doorashooyinka labada aqal oo ay xigi doonto doorashada Madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -