Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni oo caawa kulmay (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn iyo is xog-wareysi ah caawa la yeeshay madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo galabta Muqdisho soo gaaray.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale uga wada hadleen shirka  Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka ee la filayo in Muqdisho ka furmo.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la wareegay howlaha socodsiinta doorashada iyo amaanka ayaa xalay sidoo kale la kulmay qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada oo iyagana soo gaaray Muqdisho.

Shirka Wadatashiga ee looga hadlayo arimaha doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa in beri magaalada Muqdisho uga furmo Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda ICJ oo War cusub ka soo saartay dacwada badda ee Somalia & Kenya

Caydiid Ali

Ku dhowaad 50 qof oo ku dhintay god dahabka laga qodo

Caydiid Ali

Musharax Maxamed Nuur Gacal oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---