Musharax Maxamed Nuur Gacal oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug lagu soo dhaweeyay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal oo u sharaxan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb waxaa Xildhibaanka kusoo dhaweeyay qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee Galmudug, masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo kan degmada Dhuusomareeb , Waxgarad iyo dadweyne kala duwan.

Qaar kamid ah Waxgaradkii iyo dadkii kale ee ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Dr Maxamed Nuur Gacal isku soo taago xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayna ku taageeri doonaan.

Musharax Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ayaa u mahad celiyay dadkii kala duwanaa ee soo dhaweeyay.

Waxa uu sheegay Dr Gacal in uu u sharaxan yahay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna balan qaaday in uu wax badan qaban doono hadii loo doorto xilka uu hada u sharaxan yahay.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta lagu dhawaaqay ayaa in filayaa in dhawaan soo doortaan Gudoomiye Baarlamaan iyo kuxigeenadiisa, iyadoona Gudoonka kadib hadana dooran doonaan Baarlamaanka Madaxweyne iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -