Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda ICJ oo War cusub ka soo saartay dacwada badda ee Somalia & Kenya

Maxkamadda ICJ ayaa ku dhawaaqday in dhegeysiga dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya ee soohdinta Badda ee labada dal uu billaaban doono Isniinta 15-ka bishan Maarso, 3-da galabnimo wakhtiga Hague.

Wakhtiga dhegeysiga dacwadda oo ku beegan 5-ta galabnimo wakhtiga Soomaaliya, waxaa lagala socon karaa barta Internetka ee Maxkamadda oo toos u sii deyn doonta iyo TV-ga Internetka ee Qarammada Midoobay.

Maxkamaddu waxaa ay intaa ku dartay in xilligaa inta aan la gaarin ay shaacin doonto Jadwalka dacwadda oo dhameystiran.

Dowlada Somalia oo dhowaan dalab ka yimid Kenya oo ahaa in dib loo dhigo dacwada ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta ka qeyb qaadashada dacwadan oo sanado badan soo jiitameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo bilaabay Wadatashiyo la xiriira RW cusub & shaqsiyaad la hadal hayo

Caydiid Ali

Madaxda & Mucaaradka Somaliland oo si kulul uga hadlay arrimaha deyn cafinta Somalia

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo katirsanaa kooxda Wagner oo lagu laayay dalka Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---