Inta badan Xildhibaanada kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo…

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu dhiso maamul loo dhan yahay oo ay leeyihiin dadka dega gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Dhuusomareeb waxaa hada ku sugan kana shaqo bilaabay guddiga farsamada iyo doorashada ee magacawday dowlada federaalka, waxa ayna guddiga hada diyaarinayaan sharciyada iyo habraaca doorashooyinka iyo xulista Xildhibaanada.

Sida aan ku helnay warar lagu kalsoonaan karo waxaa inta badan diyaarsan magacyada xubnaha kamidka noqonaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug, waxaana xubnahan ay yihiin kuwa dadaal badan lagu bixiyay soo xulistooda.

Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa diyaariyay liiska Xubno badankood loo yeeriyay, waxaana Xubnahan diyaarsan kaliya sugayaan shaacinta magacyadooda iyo in la dhaariyo.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhan yahay ayna raali ka yihiin beelaha dega labada gobol ee maamulka loo dhisayo.

Musharaxiin badan ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaana inta badan lasii ogyahay xubnaha kusoo bixi doona doorashada aan wali waqtigeeda la shaacin ee Hogaanka Galmudug lagu dooran doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -