Somalia: Tirada dadka uu soo ridanayo cudurka COVID-19 oo hoos u dhacday

Wasaarada Caafimaadka Somalia ayaa shaacisay inuu si weyn hoos ugu dhacday tirada dadka uu soo ridanayo cudurka COVID-19 ee gudaha dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 60 qof oo cusub, taasoo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,639.

Marwo Fowziya Abiikar, oo ka hadleysay warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (11) Puntland (5) Hirshabeelle (2), iyoĀ  Jubbaland (1) iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,594.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 8-na waa dumar, 5 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 767 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -