Labo ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo Muqdisho laga sugayo maanta

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Labada hogaamiye ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka oo la filayo inuu Muqdisho ka furmo beri oo Sabti ah, kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda DF iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

Shirkan oo lagu waday inuu shalay furmo ayaa la sheegayaa inuu Sabtida u dhacay, arrimo farsamo awgeed iyo Madaxda dowlad Goboleedyada ka qeyb galaya oo aan weli soo wada dhameystirmin.

Shalay magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -