RW Rooble oo balan-qaad u sameeyey waxgaradka degmada Cadaado (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay magaalada Cadaado uga qeyb galay casho Sharaf loo sameeyay oo uu ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Galmudug iyo guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay munaasabadda iyo guud ahaan Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maamulka iyo shacabka Galmudug guud ahaan, gaar ahaanna reer Cadaado uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran iyo casho sharafta, isagoo ballan qaaday in xukuumaddu wax ka qabaneyso codsiyada reer Cadaado ee ku aaddan dhinacyada horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Maxamed xuseen Rooble ayaa casho sharafta ka dib kulammo la yeeshay dhallinyaro iyo waxgarad ka socday Gallinsoor oo u yimid soo dhaweyntiisa iyo wakiillo ka socday ururrada haweenka. Waxa uu dhammaantood uga mahadceliyay soo dhaweynta, waxa uuna kula dardaarmay inay joogteeyaan kaalintooda dhismaha dowladnimada iyo nabadda Galmudug.

Dhinaca kale, Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa gaaray Wafdi ka kooban Wasiiro ka tirsan Galmudug kuwaasoo hordhac u ah  Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug oo Gaalkacyo ku wajahan maanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -