Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Rooble oo War ka soo saaray shirka Wadatashiga ee beri ka furmaya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xusseen Rooble, ayaa sheegay inuu rajeynayo in guul uu kusoo dhammaado shirka golaha wada-tashiga qaran ee la filayo inuu ka furmo magaaladda Muqdisho.

Rooble ayaa xusay inay ka go’antahay fududeynta wax kasta oo guul u horseedi kara shirka, isaggoo siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey taageerada ay u muujiyeen dadaalada uu wado, waxaana uu ka codsaday garab-istaag.

“Waxaan u diyaar garownay shirka wadatashiga Qaran ee arrimaha dhameystirka doorashooyinka, waxaana rajaynayaa inuu si habsami leh noogu furmo guulna noogu dhamaado si uu dalku u aado doorasho daah furan oo raali laga wada yahay” ayuu yiri rooble oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa uu sheegay iney ka go’an tahay fududeynta wax kasta oo horseed u noqon kara in shirkani Guuleysto.

“Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinaynaa taageeradooda ku aadan dedaalada aan wadnom anagoo ka codsaneynaa garab istaag” ayuu yiri RW Rooble oo hadalkiisu ku soo beegmay xili beri oo taariikhdu tahay 20ka May la filayo inuu Muqdisho ka furmo shirkii wadatashiga madaxda DF iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo si kulul uga hadlay weerarkii Kismaayo iyo khasaaraha oo kordhay

Caydiid Ali

Jubbaland oo Digniin adag u dirtay Odayaasha kunool deegaanada maamulka ka taliyo

Cabdi Cade

Qoraal lagu soo xiray Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---