Qoraal lagu soo xiray Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Halkan ka Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in lasoo xiray Kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka loo kala diray Xldhibaaada Golaha Shacabka laguna ogeesiiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku shaaciyay maalintii shalay oo ku beegan 10-ka bisha july uu soo xirmay in kalfadhiga 3-aad .

Waxa uu sheegay Gudoomiye Mursal in kalfdahiha 4-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka uu furmi doono 10-ka September , waxa uuna sheegay in shaqooyin badan horyaalaan lana qaban doono kalfadhiga 4-aad.

Tan iyo markii la doortay Gudoomiye Maxamed mursal fadhiyada Xildhibaanada golaha Shacabka noqdeen kuwa aan sidii la rabay u dhicin, waxa ayna xildhibaanada fasax galeen bishii Ramadaan iyadoona mar kale hadana fasax labo bil hada galayaan.

Waxaa horey marka kalfadhiyada Baarlamaanka loo xirayo loo sameyn jiray munaasabad weyn, waxaana soo xiri jiray Madaxweynaha Soomaaliya, hasa ahaatee kalfdahigan ayaa noqday in qoraal loo kala diray Xildhibaanada lagu soo xiray.

 

Halkan ka Akhriso Qoraalka lagu soo xiray Kalfdahiga 3-aad ee Baarlamaanka 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -