Ciidanka Israel oo is’hortaagay gargaar loo waday shacabka ku go’doonsan Gaza

Hay’adda gargaarka iyo shaqada ee Q/Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Israel diiday in gargaar bina’aadanimo la geeyo Magaalada go’doonsan ee Gaza.

Philip Lazarini oo ah madaxa heyadda ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay is hor-itsaag ku sameysay  gargaar la doonayay in loo geeyo dadka ku wax yeeloobay dagaalka  ka socda marinka Gaza.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay tahay wax laga xumaado  inaan loo gurman karin kumanaan qof oo u baahan gargaar deg deg ah, ayna arintaas tahay mid nasiib daro ah oo aan la aqbali karin.

In ka badan 50 kun oo qof ayaa ku barakacay duulaanka Israa’iil ku qaaday Gaza oo galay maalintii tobnaad.

Dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ayaa gaaray 219 qof oo ay ku jiraan 63 carruur iyo 36 haween ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -